Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dowladda Soomaaliya oo Magacawday Xubnaha uga Qeybgelaya Wada Hadallada Jabuuti
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 08 2008
Dowladda Soomaaliya oo Magacawday Xubnaha uga Qeybgelaya Wada Hadallada Jabuuti
Written by Ali Moallim   
Thursday, 08 May 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay magacawday xubnihii ugu qeybgeli lahaa wada hadallada Jabuuti ka furmaya 10-ka Bishan ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda iyo Mucaaradka kasoo horjeeda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha ay Dowladda u Magacaabatay wada hadalladaas ay ka mid yihiin Wasiirka Dib u heshiisiin Maxamed Cabdi Ashkir, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud, Wasiirka Howlaha Guud Nuur Iidow Beyle, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Xildhibaan C/raxmaan Jaamac, Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed, Xildhibaan Ibrahim Garabey, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse, waxayna xubnaha Wafdigan saacadaha soo socda u duulayaan Dalka Jabuuti.

Dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo isna laga sugayo guddi 7 xubnood ah oo Shirkaas uga qeybgelaya ayaan ilaa iyo haatan laga heynin Magacyadii Xubnahii uga qeyb gali lahaa wada hadallada, iyadoo ayba jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in uu Isbaheysiga codsaday in Shirka dib loogu dhigo ilaa 21ka Bishan.

Dhanka kalena Warar aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed ayaa waxay sheegayaan in Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah uu aad ugu dadaalayo sidii uu Shirkaasi u qabsoomi lahaa mudadii loogu talagalay oo ah 10-ka Bishan.

Ugu dambeyntiina, Shirka ay isku soo hor-fariisinayaan guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid farsamo oo ay guddiyada labada dhinac ku jeex jeexayaan sidii ay isula meel dhigi lahaayeen in la helo jawi lagu xaliyo Mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay ku wada hadlaan Mas’uuliyiinta labada dhinac, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadlayaan qaabka ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi karaan Dalka Soomaaliya.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >